Qaxootiga Soomaaliyeed ee talyaniga Maxaa heysta?

0

Hornafrik-Qaxooto badan oo ay kamid yihiin kumamaan Soomaali ah ayaa ku nool dalka Talyaaniga waxaana haatan dowladda dalkaasi ay wadaa qorshe dalalkoodu loogu celinayo qaxootigaasi.

Mateeyo Salfiini wasiirka arimaha dibadda talyaaniga oo warbaahinta kula hadlay xarun dalkaas lagun soo dhaweeyo qaxootiga ayaa waxa uu sheegay in aysan u sii dulqaadan doonin qaxootiga tirada badan ee dalkooda ku sugan.

“Ma ogolaaneyno in dalkeena uu noqdo xarunta qaxootiga ee yurub”ayuu yiraahday Mateeyo salfiini oo saacado kahor warbaahinta la hadlay.

Waxaa uu wasiirka arimaha dibada talyaaniga hadalkiisa raaciyay in ay wadi doonaan tarxiilka dadka qaxootiga ah ee ku nool talyaaniga oo uu sheegay in sanadkii hore ay tarxiileen qaxooti gaaraya todoba kun oo qof sanadkaana ka badin doonaan.

Soomaali badan ayaa qaba walaac ku aadan in ay saameeyso qorshaha dowlada Talyaaniga ee qaxootiga iskaga saareeyso waxaana ay yihiin dad dhibaato badan u maray in ay halkaasi gaaran.

Dhan kale na waxaa dowlada talyaaniga qorsheeda ku aadan qaxootiga ka soo horjeestay shacabka dalkaasi oo maalmahan dibad baxyo ay qaxootiga ku taageerayaan dalkaasi kawada.

Goosib Kooynte ra’iisal wasaaraha talyaaniga ayaa xukumadiisa faray in ay qaxootiga badan dalkaasi ka saaran.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.