Saraakiil ka tirsan Ciidanka Kenya oo qarax ku dhintay.

0

Hornafrik-Shan ka mid ah saraakiisha Ciidanka Kenya gaar ahaan kuwa gaarka ah ee GSU,ayaa ku geeriyooday Degaanka Libooyo kaddib markii Gaari ay wateen uu dulmaray Miino waddada la geliyay.

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Dhadhaab;  Harun Kamau ayaa sheegay in shan sarkaal ay dhinteen saddex kalena ay ku suganyihiin xaalad halis ah.

Ciidamadan waxaa ay wateen Gaari kuwa Ciidanka ah,waxaana Qaraxa Miinada uu ku qabsaday inta u dhaxeysa Gaarisa iyo Libooyo.

Weerarka ayaa ka dhacay Tuulada Harar sida uu sheegay Haruun,taas oo u dhow sohdinta Soomaaliya,waxaana uu ka tacsiyadeeyay geerida askarta saraakiisha ahayd ee la dagaallanka Argagixisada Kenya ka tirsanaa.

Haruun,ayaa sheegay in Ciidamo badan oo Kenyaan ah lagu daadiyay degaanka Kaddib weerarkii saaka degaankaas iyo degaannada ku xeeranna ay ka baadi goobayaan xubno ka tirsan Al-shabaab oo weerarkaas lagu tuhmayo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.