Kooxo hubeysan oo Nabadoon caan ah ku dilay degmada howlwadaag.

0

Hornafrik-Sida ay Sheegayaan wararka kooxo  Hubeysan ayaa  degmada Howlwadaag gaar ahaan Xaafadda Cali Shire waxa ay ku dileen nin nabaddoon ah.kaasi oo lagu magacaabi jiray  Xuseen Geeddi Jimcaale.

Kooxo ku heysan  Bastoolado ayaa  la sheegay in ay dileen  Nabadooonka xilli uu ku sugnaa hoygiisa oo ku yaalla degmadaasi.

Dhalin yarada ku hubeysnaa Bistoolada ayaa la tilmaamay in ay ka baxsadeen goobtaay dilka ka fuliyee,iyadoona markii dambe halkaasi ay gaareen ciidamo ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya,waxaa ayna sameeyeen baaritaano ku aadan cidaka dambeysa dilka loo geystay nabadoonka.

Saraakiisha Amaanka ee dowlada dhexe ayaan weli ka hadlin dilka Maanta ka dhacay degmada Howl-wadaag ee gobalka banaadir.

Muqdisho ayaa waxaa ay marti gelinaysaa dilalka qorsheysan ee ka dhacaya Magaalada,kaasi oo loo geysanayo dadka Shacabka ah ee aan waxba galabsan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.