Wararkii ugu dambeeyay, Shabaab oo weerar ka geystay Gedo.

0

Hornafrik-Wararka naga soo gaarayo degmada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa soo sheegaya in xalay saqdii dhexe uu dagaal culus ka dhacay degmadaasi.

Saraakiisha gobalka ayaa Hornafrik u sheegay in waqtigii Saxuurta ay Al-Shabaab weerar ku soo qaadeen Saldhig ay Ciidamada daganaaayeen oo ku yaala agagaarka Buundada degmada Baardheere ee gobalka Gedo.

Ugu yaraan 3 Qof oo ah dhinacyadii dagaalamay ayaa dagaalka ku geeriyooday waxaana ku dhaawacmay 7 kale sida ay noo xaqiijiyeen Rag ka mid ah Askartii dagaalantay.

Sarkaal u waramay Taliska Baardheere ayaa sheegay in dhankooda uu hal Askari kaga geeriyooday mid kalane uu dhaawac ka soo gaaray, xaaladda ayaa hada degan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.