Shirka amniga Qaranka oo la isku mar la’yahay.

0

Hornafrik-Wararka ka imanaya magalada Baydhaba ee Gobolka baay uuna ka socdo shirka golaha mniga aranka aya wax ay shegayaan in madaxda ka qeybgaleysa ay isku marin la yihiin qodobo kamid ah kuwa shirka looga hadlayo.

Shirka waxaa gudoominaya madaxweyen Farmaaajo oo maalinti shalay ahayd halkaasi baydhaba ka furay waxaana ka qeybgalaya ra’iisal wasaare kheyre , xubno kamid ah wasiiradiisa , madaxda mamul goboleedyada m gudoomiyaha gobolka banadir iyo taliyaal ciidan.

Saxaafadda madaxda banana aya aloo diiday in ay wararka ka soo tabiyaan halka uu shirka ka socdo wacaana warar hoose oo la helayo sheegayaan in qodobada la isku hayo ay ka qeyb yihiin habka loo qeybsanayo dakhliga iyo dib u eegista dastuurka.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Dastuurka ee xukuumadda Federalka ah ee Soomaalia Cabdi Xoosh jibriil ayaa  sheegay in Shirka ka socda Baydhabo looga doodaya Wadaaga Khayraadka iyo nuuca doorasho ee dalka, doodaasna ay soo gaartay xalay saqdii dhexe.

qaar kamid ah madaxweynayaasha mamul goboledyada ayaa dhaliilay dwolada iyagoona u sariyay masuliyadda qodobo hore loogu heshiiyay shirrar hore oo qabsoomi waayay.

Waxaa qorshaha shirka uu ahaa in manta la soo gabagabeeyo waxase muuqata in waqti dheri ah uu qaadanayo.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.