Maxaa ka socda Magalaada Baydhabo oo ay madaxda dalka ku suganyihiin?

0

Hornafrik-Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay xaruna u ah Koonfur Galbeed waxaa habeenkii labaad ku hoyday madaxweynaha Soomaliya Maxamed cabdulahi Farmaajo , Ra’iisalwasaare xasan cali Kheyre , qaar kamid ah wasiirada Xukuumadda Soomaaliya , madaxda maamul Goboleedyada iyo Taliyaal Ciidan.

Ka qeybgalka shirka Golaha amniga qaranka ayay dhamaan u tageen Baydhaba shirka oo furmay shlayto ayaana qorshuhu yahay in maanta la soo gabagabeeyo lagana soo saaro war murtiyeed.

Warbaahinta madaxda banaan ayay adagtahay in wararka jira iyo sida uu shirka u socdo ay ka soo tabiso Baydhaba kadib markii labo jeer laga hor istaagay xarunta uu shirka ka socdo.

Sdia ay noo shegayaan rag ka tirsan madaxtooyada Koonfur Galbed waxaa shirka madaxda ka qeybgaleysa ay aad isugu dhaliiyan labada dhinac , madaxada mamul goboleedyada ayaa intooda badan waxaa ay dowolada dhexe u saariyeen masuliyadda waxyaabihi ka absoomi waayay qodobadii shirarkii hore, halka lagu waramayo sidoo kale in madxada doiwlada ay kuw amamul goboledyada ku dhaliilen mucaaradnimo joogto ah iyo in wada shaqeyn dhawh la lahayn dowlada dhexe.

Ka sukow amniga waxaa laga hadlaya adastuurka iyo qeybsiga dhaqalaha ee dowlada iyo dowlad goboleedyada .

Lama saadaalin karo in waqti dheri ah uu qadan karo shirka iyo in sidii loo qorsheeyay manta la soo gbagbeyn doono.

 

 

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.