Dagaalamayaal Al-Shabaab ah oo lagu dilay Kulbiyow.

0

Hornafrik-Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxayo dagaal saacadihii la soo dhaafay Ciidamada maamulka Jubbaland iyo Al-Shabaab ku dhaxmaray deegaanka Kulbiyow ee gobalka Jubada Hoose.

Saraakiisha maamulka Jubbaland ee ku sugan Kulbiyow ayaa KNN u sheegay iney dileen 6 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab, sidoo kale Saraakiisha ayaa sheegay iney qabteen Dagaalame shabaab ah oo ku dhaawacmay dagaalkii Kulbiyow.

Xaaladda deegaanka ayaa maanta degan waxaana ku sugan Ciidamada maamulka Jubbaland, dadka deegaanka ayaa sheegay inuu jiro khasaare soo gaaray Ciidamada Jubbaland ee Kulbiyow.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.