Taliska Militariga oo amaro ka soo saaray isku dhacyada ciidamada ee Muqdisho.

0

Hornafrik-Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Cabdiwali Jaamac Xuseen Gorod ayaa digniin kasoo saaray Isku dhacyadda Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Taliyaha waxaa uu sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay magaalada Muqdisho ka socdeen falal Amniga Khatar ku ah, maadaama ay jireen iska horimaadyo ka dhaxeeyay ciidamada xasilinta iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa uga digay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed in ay kasoo baxaan Saldhigyadooda Amar la’aan.

Waxaa uu sheegay in ciidamada xasilinta sidoo kale laga doonaayo in ay tixgaliyaan ciidamada kale oo ay weydiiyaan aqoonsiyadda ay wataan.

Warka soo baxay taliska militariga ayaa imanaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ciidamada xasilinta lagu eedeeyay in ay magaalada Muqdisho ku dileen ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed oo magaalada hub ku dhex-watay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.