Shirka Amniga qaranka oo maanta ka furmaya magaalada Baydhaba.

0

Hornafrik-Waxaa Maanta  lagu waddaa in uu Magaalada Baydhabo ka furmo Shirka Golaha Amniga Qaranka oo looga hadlaayo xaaladda ee Soomaaliya.

Shirkaan ayaa ka dhici doona Magaalada Baydhabo ee Koonfur Galbeed waxaana si weyn diiradda lagu saari doona Xaaladda Ammaan ee Soomaaliya iyo arimha dasturka.

Madaxweynaha Soomaaliya , Ra’isal wasaaraha Xukuumadda , Madaxweynaasha dowlad goboleedyadda iyo xubno ka socda Beesha Caalamka ayaa ka qeyb gali doona Shirkaasi.

waxaa shariif xasan Shiikh Aadan Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo shirka marti gelinaya sheegay in madaxda isla maanta ay Baydhaba gaari doonaan gelinka danbe na uu shirka Furmi doono.

shirka ayaa waxa xusid mudan in labo jeer oo hore uu baaqday.

 

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.