Kheyre iyo Farmaajo oo gaaray Baydhaba.

0

Hornafrik-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Bay waxaana socdaalkiisa ku wehliya xubno ka tirsan Laanta fulinta ee Dowladda Soomaaliya

Kheyrre ayaa magaalada Baydhabo waxaa ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Xubno ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale dhowr daqiiqo kadib markii la soo dhaweeyay Kheyre ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee Baydhaba ka dagay diyaarad waday wafdi uu hogaaminayo madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Ujeedada Socdaalka Madaxweynaha ayaa lagu sheegay ka qeybgalka Shirka Golaha amniga Qaranka oo lagu waday inuu maanta ka furmo magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Bay balse la sheegay inuu dib u dhacay Ilaa Berri sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Koofur Galbeed.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.