Dilal markale maanta ka dhacay Magaalda Muqdisho.

0

Hornafrik-Koox hubeysan ayaa Barqadii maanta Labo wiil oo dhalinyaro ah waxay ku toogteen Isgoyska Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho waxaana la sheegay iney kadib ka baxsadeen goobtii ay ku sugnaayeen.

Ragga dilka fuliyey oo Bastoolado watay ayaa la sheegay in Bartaha Busteejada Gaadiidka ee Isgoyska Bakaaraha ku toogteen dhalinyaraan oo ka mid ah dadka ka shaqeeya rarista Gaadiidka BL-ka ah.

Lama oga sababta ka dambeysay dilkooda, balse goob joogayaal ayaa Hornafrik u sheegay in raga la dilay ay caan ka ahaayeen Busteejada oo ay ka shaqeyn jireen, waxaana ragii dilay iyagoo aan cabsi ah qabin ay ka dhaqaajiyeen goobtii ay ku dileen.

Waxyar ka yar 24 saac ayaa magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay ugu yaraan 8 qof oo dhamaantood ah dhalinyaro ka yar da’da 35 sano jirka, dadka la dilay ayaa u badan shacab inkatoo ay ku jiraan shaqaale Dowladeed iyo Ciidan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.