Nin Shiikh ah oo xalay lagu dilay degmada Baardheere.

0

Hornafrik-Wararka ka imaanaya magaalada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa soo sheegaya in Koox hubeysan ay xalay Bartamaha magaalada ku toogteen mid ka mid ah Culumada ugu caansan degmada Baardheere.

Alle ha u naxariistee Shiikha la dilay ayaa lagu magacaabaa Shiikh C/raxmaan Shariif, waxaana la dilay xalay fiidkii hore sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka ee degmada Baardheere.

Rag Bastoolado ku hubeysan ayaa fuliyay dilka Marxuumka waxaana lagu soo waramayaa in dadkii dilay ka baxsadeen halkii ay falkaas ka geesteen, Ciidamada amaanka ayaan ku guleysan soo qabashada Gacan ku dhiiglayaashii dilkaasi fuliyay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.