Faah faahin dagaal ka dhacay Muqdisho.

0

Hornafrik-Ciidamo kawada tirsan dowlada Soomaaliya ayaa maqribkii caawa ku dagaalamay agagaarka Ex-Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdihso.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii ciidamo ku sugnay bar-koontarool oo ku taala Xaafada Macalin Nuur oo u dhow Isgoyska Ex-Koontarool Afggooye iyo Ciidamo la sheegay in ay ahaayeen ciidamada Xasilinta uu muran soo kala dhax galay, murankaas oo sababay in ay  dagaalamaan labadaas ciidan.

Dad goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalka uu socday muddo daqiiqado ah isla markaana uu khasaaro soo gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ahaa oo goobta ka ag dhawaa.

Inta la xaqiijiyay ku dhawaad 3 Askari ayaa geeriyootay in kabadan 5 ruux oo shacab ahna way ku dhaawacmeen

Majiraan faafaahin intaas dhaafsiisan oo laga helaayo dagaalkaasi caawa maqribkii ka dhacay aga gaarka Isgoyska Ex Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.