Ciidamada amaanka oo maanta rag hubeysan ku dilay Muqdisho.

0

Hornafrik-Wararka ka imaanaya degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Ciidamada amaanka degmadaas ay ku dileyn rag hubeysan oo ay sheegeen in ay ahaayeen burcad dadka dhac u geysan jiray.

Ciidamada ayaa Saakay xaafado ka mid ah degmada Dharkeynley ka sameeyay howgalo lagu xaqiijinayay amaanka sida saraakiisha ciidamadaasi hogaaminyay ay sheegeen.

Ciidamada ayaa inta ay ku jireen howgalka waxay qabteyn rag hubeysan oo diiday in ay hubka dhigaan kadibna la dilay sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Waxaan xiriir la sameynay maamulka degmada Dharkenley ee gobolkan Banadir si ay faah faahin uga bixyaan dhacdadaan laakiin nooma suurta gelin in aan qadka taleefoonka aan ku helno.

Maalmo kahor ayaa howlgal ay ciidamada dowlada ka sameeyen degmadasi waxa ay ku qabteen in kabadan 10-qof oo ay sheegen in ay ahaayeen kooxo hubeysan oo falal amni dari degmaad ka waday

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.