Ciidamada dowlada iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay duleedka D/Afgooye.

0

Hornafrik-Kooxda Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig ciidamada dowlada Soomaaliya ay ku leeyihiin duleedka magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dadka deegaanka oo la hadlay Idaacada Kulmiye ayaa sheegay dagaal muddo kooban socday in uu dhax maray Al-shabaab oo weerar ku qaaday fadhiisimo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya ee gobolka Sh/Hoose.

Dadka deegaanka ayaa tilmaamay in aysan xaqiijin Karin in dagaalkaas uu khasaaro ka dhashay iyo in kale, inkastoo ay sheegeen in labada dhinac ay siweedaar sadeen hubka nuuc yadiisa kala duwan.

Saraakiisha Ciidamada Booliiska degmada Afgooye oo la hadlay KNN ayaa sheegay in aysan jirin dagaal ka dhacay duleedka degmada Afgooye ee u dhaxeeya Al-shabaab iyo Ciidamada dowlada.

Laakiin Saraakiisha ayaa sheegay  in Al-shabaab ay rasaas ay ka soo rideen meel fog ciidamada dowladana ay u jawaabeen, Balse aysan jirin dagaal toos ah oo ka dhacay gobolka Sh/Hoose.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.