G/ Baarlamaanka iyo M/ ku xigeenka Galmudug oo laga hor istaagay in ay tagaan xaruntii maamulka ee Cadaado.

0

Hornafrik-Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi Carabeey ayaa maanta isku dayay in aay galaan xaruntii uu fadhiyay maamulka Galmudug ee Cadaado, hase ahaatee waa loo diiday in ay galaan.

Wararka ayaa sheegaya in ay maalmahan deganyihiin guri caadi ah oo ku yaala magaalada Cadaado.

Waxaa la tilmaamayaa in loo diiday gabi ahaanba in ay galaan madaxtooyada Galmudug ee ku taala Cadaado.

Khilaafka madaxda sareee Galmudug ayaa cirka isku sii shareeraya mana jirti ilaa hada xal muuqda oo ka gaarayo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.