Madaxda Galmudug oo khilaaf horleh soo dhex galay.

0

Hornafrik-Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa goor dhow waxaa gaaray Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi.

Wafdiga Madaxweyne kuxigeenka ayaa waxaa ka mid ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug.

Waxaa xusid mudan  in Madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo Madaxweyne Xaaf uu ka dhaxeeyo Khilaaf ka dhashay isku darkii Galmudug iyo Ahlusunna.

Labadan masuul ayaa sheegay in aysan aqoonsaneyn xubnaha cusub ee lagu biiriyay xildhibaanada Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug oo shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu waddaa in uu ku dhawaaqo Golaha Wasiiradda cusub ee Galmudug.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.