Deg deg xildhibaan katirsan baarlamaanka oo dil ka badbaaday.

0

Hornafrik-Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Caawa ka badbaaday isku day dil kadib weerar lagu qaaday Gaarigiisa.

Facebook hiisa ayuu xildhibaanka ku soo qoray in ciidamo nabad sugi ahi rasaas ku fureen.

Sidoo kale in dhowr jeer loo hanjabay ayuu qoraalkiisa ku sheegay.

Received 10156395833829583

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in Xildhibaanka Gaarigiisa la rasaaseeyay islamarkaana aysan jirin wax khasaara ah oo soo gaaray Xildhibaanka iyo Ciidankii la socday.

Xildhibaanka Dilka ka badbaaday ayaa lagu magacaabaa C/llaahi Maxamed Nuur, waxa uuna mar soo noqday Wasiiru Dowlaha Maaliyadda Soomaaliya, sidoo kale Xildhibaanka ayaa hadda ka tirsan Golaha Shacabka waxaana sidoo kale uu yahay Guddoomiyaha Kutladda Horu-socod ee Golaha Shacabka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.