2 Nin ee lagu dilay Bakaaro oo la ogaaday inay Askar Dowladeed yihiin iyo Buuq ka dhashay Dilkooda.

0

Ciidamo aan labisnayn oo  NISA ka tirsan ayaa ku toogtay Suuqa Bakaaraha Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda iyo nin ku waday Mooto Bajaaj,  iyadoo Askarigan oo labisnaa dhar shacab uu watay Bastoolad uu Naftiisa ku illaashanayay.

Askariga la dilay oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka ayaa watay Bastoolad Teetee ah oo sida ka muuqata Sawiradda ah mid duq ah, taasoo uu ku illaashanayay ammaankiisa, maadaama uu u socday Caruurtiisa oo dagan Xaafado ku dhow Bakaaro, kuwaas oo uusan u tagin muddo billo ah, sababo la xiriira baqdin uu ka qabay Alshabaab, Waxaase Maanta isagoo u socda gurigiisa soo weeraray Dhalinyaro ka soo goosatay Alshabaaab oo lagu biiriyay Ciidanka NISA, kuwaasoo aan labisnayn wax dhar ciidan ah, isla markaana ku amray Askarigan inuu istaago, balse isna waxa uu u qaatay Alshabaabkii uu iska waardiyaynayay, sidaasna waxay isku dhaafsadeen Rasaas sababtay inuu dhinto Askariga iyo Ninka la socday.

Bastooladii Ay Wateen
Bastooladii Ay Wateen

Maydka Askariga iyo Ninka Mooto Bajaajlaha ahaa ayaa goor dhawayd la geeyay CID, waxaaana ka taagan buuq xooggan, iyadoona ay Eheladda dadka la dilay ku adkaysanayaan inaan la aasayn Wiilashooda haddii aan la keenin kuwii dilay, Waxaana socda dadaalo la doonayo in lagu qaboojiyo arrintan oo ay wadaan Masuuliyiin Dowladeed.

Mooto Bajaajle La Dilay
Mooto Bajaajle La Dilay
Askari La Dilay Bakaaro
Askari La Dilay Bakaaro
Wasiir Ducaale
Wasiir Ducaale

Wasiirka Amniga, Maxamad Abuukar Islow Ducaale ayaa ku soo qoray Bartiisa Facebook in Dadka la dilay ay ahaayeeen Alshabaab, taasoo sii adkaysay Xaaladda.

Taliska Ciidanka Xoogga ayaa la isku dayayaa hadda in lagu qanciyo inay Maydadka ka qaataan CID, isla markaasna duugaan, balse lama ogga siday suuragal ku noqon karto arrintan.

Dilka Askarigan iyo Mooto  Bajaajlaha ayaa imaanaysa xilli Muqdisho ay ku soo kordheen Dilal marka ay dhacayaan ay Muuqaalo duubayaan Kooxaha Dilalka gaystay, Waxaana Dowladda Soomaaliya ay cambaarayn kala kulantay siday u dhaceen Dilalka iyo iyadoon cidna loo qaban, taasoo keentay in markii ay Ciidanka NISA soo sheegeen inay dileen Labo qof ay markiiba Masuuliyiinta Amnigu billaabeen inay ku faanaan, iyadoo aan la hubin waxay yihiin Dadka la dilay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.