Ra’isalwasaare Kheyre oo booqday dadkii uu saameeyay Roobkii ka da’ay Muqdisho.

0

Hornafrik-Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa uu xalay kormeer ku tagay Guryo KMG ah oo uu maamulka Gobolka Banaadir dejiyay dadkii Roobkii ka da’ay Muqdisho uu saameeyay.

Ra’isalwasaare Xasan Cali Kheyre oo ay la socdaan Wasiirka amniga,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo saraakiil kale ayaa booqday xaafadaha la dejiyay dadkaas.

Xasan Cali Kheyre ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay isu gurmadaan islamarkaana wax loo qabto dadka tabaaleysan ee uu saameynta taban ku yeeshay Roobka ka da’ay Muqdisho.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa qaar ka mid ah dadkii ku gurya beelay Roobka dejiyay guryo ku meel gaar ah si ay halkaas ugu noolaadaan inta ay guryahoodii ugu laabanayaan.

Waxaa kale oo uu Ra’isalwasaaraha iyo saraakiisha la socotay ay kormeer ku sameeyeen waddooyinka waaweyn ee Muqdisho kuwaas oo uu qaarkood gooyay Roobka iyada oo uu isu socota Magaalada wali gaabis yahay Roobka awgii.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.