Ku dhawaad 40’000 kenyan ah oo ku nool Soomaaliya.

0

Hornafrik-Safiirka Kenya u fadhiya dalka Soomaaliya Lucas Tumbo ayaa sheegay in qurbojoogta ugu badan ee Kenyanka ah ee jooga qaarada Afrika ay ku nool yihiin dalka Soomaaliya.
Lucas Tumbo ayaa sheegay in qurbojoog Kenyan ah oo tiradoodu kor u dhaafeyso 35,000 ay howlo isugu jira xoogsi iyo ganacsiba ay ku leeyihiin kuna nool yihiin dalka Soomaaliya.

Safiirka oo faahfaahin ka bixinayay qeybaha ay ku kala nool yihiin qurbojoogta Kenyanka ah ee dalka Soomaaliya ayaa yiri; “18,000 waxay ku nool yihiin Hargeysa,10,000 Jubaland iyo 3,000 oo ku nool Muqdisho iyo weliba deegaano kale,”.

Safiirka Kenya ee dalka Soomaaliya ayaa waxaa uu ku dhex shaqeeyaa xarunta Xalane ee ku dhow garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde waxaana hadda socda dhismaha safaarada rasmiga ah ee dowlada Kenya dalka Soomaaliya ay ku leedahay iyadoo la qorsheynayo in labada bilood ee soo socota la dhamaystiri doono dhismaha safaarada.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.