dad ku dhintay roob dabeylo wata oo ka da’ay waqooyiga Soomaaliya.

0

Hornafrik-Roobab xoogan islamarkaana ay la socdaan dabeylo xawaare sare leh ay saacidhi la soo dhaafay waxaa ay ka da’een degmooyin badan oo ka tirsan Gobolada dhaca waqooyiga Soomaaliya.

Roobabka ayaa waxaa y ka da’een gobolada bari  Sool , Sanag iyo Waqooyi Galbeed  ee Soomaaliland iyo Puntland kala maamulaan.

Waxaa ka dhashay qasaaro nafeed iyo kuwo maaliyeed inti ay socdeen roobabka iyo dabeylaha.

Inta aay noo xaqiijijeen dad ku sugan magaalada Boosaso tog ku taala wada xeriirirsa Garoowe iyo Boosaaso waxaa ku geeriyooday sadxe kamid ah afar dhalin yaro ahaa oo watay gaari halkasina uu kula qalibmay.

Magaalada xeebeedka Boosaaso ee gobolka Bari dad badan ayaa maanta iskaga baro kacay xaafadaha xeebta u dhaw kadib digniin ay jediyeen mas’uliyiinta Puntland.

Dhanka deeganaad Soomaaliland lama soo warin dhimasho hase ahateen waxaa bur buray dhismooyin ku yiilay meelaha u dhaw xeebaha.

Sidoo kale Hirar iyo dabeylo ka kacay badda Laas qoray ayaa waxaa lagu waramayaa in ay ku bur bureen 10-doomo oo ay lahaayen kallumeysato sida ay xaqiijiyeen maamulka Baran ama Badhan ee Sanaag.

Dadka deefaanada Soomaaliland iyo Puntland ayaa qaba cabsi ah in intaan ka bataan roobabka iyo dabeylaha ayna geystaan qasaaro naf iyo maal bal eh , waxaana ay timid kadib saadaashi hawada e lagu sheegay roobabka dabeylaha wata ee ka soo go’aya badda cas.

 

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.