Ciidamo lagu daabulayo aaga Tukeraq ee Gobolka Sool.

0

Hornafrik-Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa waxaa kusii qul qulaya saraakiil ciidan oo ka socda dhinacyada ku dagaalamaya deegaankaasi.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa halkaasi gaaray saraakiil ciidan oo ka kala yimid magaalooyinka Garoowe, Nairobi, iyo magaalooyin kale iyaga oo la kulmay saraakiisha dagaalka hoggaamineysa ee jooga jiida hoe ee dagaalka.

Warar ay heleyso Idaacada Kulmiye ayaa sheegaya  in deegaanka Tukaraq ay gaari doonaan saraakiil uu ka mid yahay Janeraal Maxamed Siciid Xeris (Morgan) oo ah musharax madaxweynaha maamulka Puntland kaas oo dalka dibadiisa ku maqan, laakiin ku soo wajahan deegaanada Puntland maalmaha soo socda.

Dhankale saraakiil sare ayaa ka imaanaya deegaanada Soomaaliland kuwaas oo soo gaaraya deegaanka Tukaraq oo ay is ku hor fadhiyaan ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Soomaaliland.

Saraakiisha ka socota labada dhinac ayaa guubaabinaya ciidamada dagaalamaya, iyagoona dhagaha ka fureysanaya baaqyada nabadeed ee loo dirayo dhinacyada dagaalamaya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.