Madaxweynaha Puntland oo u hanjabay kan Soomaaliland.

0

Hornafrik-Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Garoowe ee caasimadda Maamulkaas.

Gaas waxaa uu ka warbixiyay shirkii dowlada Goboleedyada ugu soo dhamaaday Magaalada Baydhaba ee Xarunta Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu ka hadlay colaadda Gobolka Sool ee u dhaxeysa Maamulkiisa iyo maamulka Somaliland,waxaana uu sheegay in Puntland aysan aqbaleyn gardarrada.

“Muuse Bixii,waxaa uu ka yimid Hargeysa,waxaana uu doonayaa in uu nabad ugu noolaado Tukarraq,taas dhici meyso,shacabka Puntland,waxaan u sheegayaa in ay dhulkooda difaacdaan”,ayuu yiri Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe.

Maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa maalmihii la soo dhaafay ku dagaallamayay degaanka Tukarraq ee Gobolka Sool,halkaas oo billowgii bishan Ciidanka Somaliland ay kala wareegeen kuwa Puntland.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.