Deg Deg Madaafiic caawa lagu garaacay xaafado kamid ah Muqdisho.

0

Hornafrik-Waxaa caawa xaafado badan oo kamid ah Muqdisho ku dhacaya madaafiic aan la ogeyn halka laga soo tuuray.

Fiidki hore , waa xiliga salaada maqrib kadib ee kooxo hubeysan ayaa bambaano ku weeraray hooyga uu degmada Howlwadaag ka deganyahay gudoomiyihi hore ee degmadaasi Maxamed Abukar Jacfar oo sidoo kale kamid ahaa saraakiisha Nabad Sugida waxaana ku dhaawacmay labo Askari.

Intaasi kadib ayaa tiro madaafiic  ah waxaa ay ku dhaceen degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.

Caawa waa 1-da bisha Ramadan waxaana aan ka ogeyn sida lagu sugi doono amaanka Muqdisho oo durba falal amniga lid ku ah ka dhaceen.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.