Amisom oo lagu waramayo in waqti kordhin loo sameyn doono.

0

Hornafrik-Go’aan Shalay oo Salaaso aheed ey isku raaceen Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu xusay in Ciidamada Midawga Afrika ee Amisom ee ku jooga Soomaaliya Ogalaashaha waqtiga Kordhin loo Sameeyay. Golaha Amaanka ee Jimciyadda Qurumaha ka dhaxeeysay oo shalay kulmay ayaa isku raacay in Ciidamada Amisom Waqtigooda la gaarsiiyo Ilaa 31July ee Sanadkan 2018-ka. Dhanka kale Warkan Kasoo baxay Golaha Amaanka ayaa lagu sheegay in warbixinno ka hadlaya Ciidamada AMISOM Golaha la horkeeni dooni Bishan June 15-keeda, Warbixintaana Go’aan lagu gaari doono. Ciidamada Amisom ayaa hadda cadadkooda lagu sheegaa 20,600 kuwaa oo ka socda dhowr dal oo ku yaalla Qaaraddan afrika gaar ahaan dhankeeda bari. Amisom ayaa waxaa lagu wadaaa in Gabi ahanba ey dalka isaga baxdo Sanadka 2020, waxa uuna bilaawday qorsha bixinta Ciidamadaa Sanadkii hore ee 2017-kii oo Soomaaliya laga Saaray 1,000 oo katirsan Ciidamadaaa. Howgalkan ayaa Soomaaliya ka bilaawday Sanadkii 2007-dii waxa dadka amaanka falanqeeya ay ku dhaliilaan in uusan gaarin Yoolkii loo Asaasay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.