Shirka madaxda dowlad goboleedyada oo Baydhaba ka furmay.

0

Hornafrik-Magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa goor dhow ka furmay  shirka madaxda maamul goboleedyada, kaasi oo looga hadlayo dhawr ajande.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxeynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweyne Shariif Xasan oo marti loo yahay.

Shirkaan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah Wasiiro iyo Xildhibaano ka socda maamul goboleedyadda.

ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana xerooyinka laga soo saaray ciidamo cusub, kuwaasi oo la dhigay wadooyinka iyo xarunta shirka lagu qabanayo, si ay uga hortagaan arbushaad dhacda inta uu socdo kulanka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.