Shirka Golaha iskaashiga Dowlad Goboledyada oo manta Beydhaba ka furmaya.

0

Hornafrik-Magalada Beydhaba ee xarunta Kumeel gaarka u ah maamulka Koonfur Galbee Soomaaliya waxaa maanta ka gurmaya shirka Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada.

Golaha ayaa waxaa ku mideysan madaxweynayasha maamulada Puntland , Galmudug , Hirshabeele , Koonfur Galbed iyo Jubaland waxaana ay leeyihiin kulankii labad kadib markii ay dhisten golahan ay ku mideysan yihiin.

Wararka laga helayo magaalada Beydhaba ayaa ku waramaya in madaaxweynayaasha maamul goboledyada ay xalay lahayeen kulamo gaar gaar ah oo ay uga arinsanyeen qodobada diirada lagu saaryo shirka maanta u furmaya.

Shirka ayaan si cad ilaa hada loo sheegin qodobada ay kaga hadli doonaan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.