Madaxweyne Farmaajo oo Muqdisho ka furay barnaamijka Deriseynta.

0

Hornafrik-Madaxweyne Farmaajo , Gudoomiyaha Gobolka Banaadir , Wasiiro iyo masuuiyiin kale ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu daah furayay is dhax galka bulshada oo loogu magac daray deriseynta.

Madaxweynaha Soomaaliya oo shalay degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ka daah furay qorshaha deriseynta Caasimadda ayaa shacabka ugu baaqay in dowladda ay taageeraan la’aantoodna aanu jiri doonin wax kala soconaya.

“ waxaa naga go’aan in Nabad gelyo ku soo celino Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, annagoo sii ambo qaadeyno qorshaha dariseynta ee aan ka bilownay degmada Waaberi” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Amaanka Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeynayaa iyadoo maalmihi danbe ay joreen dilal badan oo Magaalada ka dhacay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.