Dhamaan madaxda maamul goboleedyada oo gaaray Beydhaba iyo shir ..

0

Hornafrik-Magaalada Beydhaba ee xarunta Kmg Koonfur Galbeed waxaa wada gaaray madaxda maamul goboleedyada dalka oo uu halkaasi shir uga furmayo.

Madaxweynayaasha maamulada Puntland , Galmudug , Hirshabeele iyo Jubbaland ayaa tagay magaalada Beydhab waxaana ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan.

Madaxda maamulka Goboleedayada ayaa biri waxaa magaalada Beydhaba uga furmaya shirka Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada oo ay ku mideysan yihiin.

Caawa ayaa ay leeyihiin kulamo hordhac ah kuwaasi oo ay uga arinsanayaan qodobada shirka looga hadli doono.

Waxaa la tilmaamayaa inuu jiro khilaaf u dhaxeeya madaxda dowlada dhexe iyo qaar kamid ah kuwa maamul goboleedyada iyadoo shirkaan uu xigi doono midka Madaxda dowlada iyo kuwa maamul goboleedyada.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.