Maraykanka oo baaraya weerarkii Shabeellaha hoose.

0

Hornafrik-Maryekanka ayaa war ka soo saaray howlgal ay ciidamo mareykan ah iyo kuwo Soomaali ah maalmo kahor ka sameeyeen Gobolka Shabeelaha hoose kaasi oo dadka deegaanka sheegeen in lagu dilay dad rayid ah.

Ciidamada Militariga Maraykanka ayaa sheegaya in ay si dhab ah u qaadanayaan wararka sheegaya in dad rayid ah lagu laayey weerar uu Maraykanku taageerayey oo ka dhacay Soomaaliya kaas oo ka dhan ahaa  Alshabaab.

Maraykanka ayaa si dhow ula shaqaynayey ciidamada Militariga Soomaaliya asagoo gacan ka siinaya dagaalka ka dhanka ah kooxaha jihaad doonka ah.

Taliska ciidamada Maraykanka ee Africa ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegay in ay baaritaan ku samaynayaan xog kasta oo la xiriirta dhacdadaan, oo ay kujiraan dhinacyada ay arrintani khusayso.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.