Deg-Deg Madaafiic laga maqlay Muqdisho iyo Al-Shabaab oo sheegay in ay …

0

Hornafrik-Dhawaqa madaafiic ayaa Saaka laga maqlay Magaaaladda Muqdisho, waxaana Soo baxaya Warar sheegaya in Hoobiye yaaasha lagu garaacay Xeradda tababarka Militry ee turkigu ku leeyahay Muqdisho.

Goob jooge yaal la hadlay Hornafrik ayaa sheegay in dhawaqa madaafiicda ay Maqleen inkastoo aysan Dadka Deegaanku si rasmi ah u xaqiijin Karin meesha lagu Weerarary.

Balse Al-shabaab oo Warbahintooda Adeegsanaya ayaa Sheegaty in ay 13 Madfac ku rideen Xeradda Turkigu uu ku tababrao Ciidamadda Soomaalida.

Al-shabaab ayaa intaas ku daray in Xilliga ay Madaafiicda ku weerareen Saldhigga ay ahayd Saacadihii hore ee Saaka oo ciidamadda Soomaalidu ay tababarka u diyaaar garoobayeen.

 Masuuliyiinta Degmadda Wada jir oo aan la xiriirnay si aan wax uga weeydiino Weerarka Madaafiicda ah inooma suurta galin in aan helno.

Lama oga wax yeeladda ay madaafiicdu Sababaeen.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.