R/W Kheyre oo xalay masuuliyiinta Amaanka kala hadlay arimo dhowr ah.

0

Hornafrik-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa caawa kormeeray Xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ay ku sugnaayeen Wasiirka Amniga, Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, guddoomiyaha gobolka Banaadir, Saraakiisha Ammaanka iyo Masuuliyiin kale.

R/wasaare kheyre halkaasi waxa uu ku arkay Ciidan Boolis ah oo heegan ugu jira inay adkeynta Nabad gelyada.

Sidoo kale Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, iyo Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Abdirahman Omar Osman(Eng:Yarisow) ayaa Xarunta Booliska caawa waxay ku qabteen shir jaraa’id oo ay uga hadleen howlaha ammaanka Muqdisho, iyaggoo Ciidanka Ammaanka faray in gacan bir ah ay ku qabtaan Ammaanka, ayna u naxariistaan dadka shacabka ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.