Dhaq dhaqaaq ciidan oo maanta ka taagan deegaanka Tuka-raq

0

Xiisad colaadeed ayaa maanta ka taagan deegaanka Tuka-raq ee gobolka Sool kadib markii dhaq ciidan ay ka sameeyeen ciidamo kala taabacsan Soomaaliland iyo Puntland kuwaas oo xiliyadii dambe isku hor fadhiyay deegaankaasi.

Wararka ka imaanaya deegaanka Tuka-raq ayaa sheegaya in labada dhinacba ay bilaabeyn abaabul ciidan iyo dhac dhaqaaq hor oo dadka deegaanka cabsi xoogan ku abuuray.

Bishii January ee sanadkaan ayey aheed markii ciidamada isku hor fadhiya deegaanka Tukaraq ay ku dagaalameen halkaasi, wixii xiligaas ka dambeyayna majirin cid kala qaaday ciidamadaasi.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.