Dagaal ka dhacay Qoryooley iyo Al-shabaab oo guulo sheegtay

0

 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal muddo kooban socday oo u dhaxeeyay ciidamada dowlada Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-shabaab oo ka dhacay degmada Qoryooley ee gobolka Sh/Hoose.

Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday fadhiisimo ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay ku lahaayeen degmada Qoryooley, waxayna sheegeen in ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka sidoo kalana khasaaro kala duwan ay gaarsiiyeen Ciidamada dowlada kuwa AMISOM.

Majiraan warar intaas dhaafsiisan oo laga helaayo weerarkaas ka dhacay degmada Qoryooley ee gobolka SH/Hoose.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.