Ciidanka xooga dalka oo sheegay in ay gacanta ku dhigeen hub u socday Al-shabaab

0

Faarax Maxamed Turbac Taliyaha ururka 49aad ee ciidanka xoogga dalka oo la hadlay Idaacada ku hadasha afka ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in gacanta ku dhigeen Gaadiid waday Hub islamarkaana u socday dagaalamayaasha Al-shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in Hubkaas iyo Gaadiidkii siday ay ku qabteen magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Turbac ayaa sidoo kale tilmaamay in ay gacanta ku dhigeyn 4 ruux oo ahaa kuwa waday Gaadiidka iyo Hubka.

Hubka la qabtay ayaa u badan Rasaasta qoryaha AK47 iyo PKM waxayna sheegeen in loo waday Al-shabaab oo fariisin ku leh Tuulada Ray’dab oo 40km u jirtab magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.