Meydadka Dadkii lagu dilay Weerarkii Bariire oo Muqdisho la keenay.

0

Hornafrik-Meeydadka iyo dhaawaca Dad ay toogteen Ciidamo Howlgal ka sameeyay Gobolka shabeelaha hoose ayaa maanta la keenay Magaaladda Muqdisho.

Shan ruux oo meeyd ah iyo Shan dhaawac ah ayaa geeyay Isbitaalka Madiino ee Muqdisho.

Dadka dhaawaca ah waxaa ku jira Gabar ka yar Da’da Shan sanno.

Dadka deegaanka ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in dadkaan ay toogtay Ciidamo Soomaali iyo kuwa Caddaan ah oo ka soo dagay Diyaarad Elo Kobtar ah ama kuwa Qumaatiga u kaca kadibna ay ka xeesteen 4 qof oo mid ka mid ah dhaawac yahay.

Ciidamada toogashada fuliyay ayaa dadka deegaanka waxay sheegeen in Ciidanka kale ee la socday ka codsaday in dadkaan aan la dilin ay Shacab yihiin balse cidna kama yeelin.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.