Gudoomiyaha Dhawaan la doortay ee Golaha Shacabka oo Muqdisho lagu caleyma saarayo.

0

Hornafrik-Waxaa maanta lagu wadaa in maglada Muqdisho lagu qabto caleyma saarka gudoomiyaha Cusub ee Golaha shacabka Baarlamanka Soomaliya Maxamed Mursal Shiikh Craxmaan.

Caleyma saarka ayaa waxaa uu ka dhacayaa dugsiga tababarka Booliska ee Gen Kaahiye halkaasi oo amaanka aad loo adkeeyay.

Xaflada caleyma saarka ayaa waxaa ka qeybgali doona madaxda dowlada , xubno ka socda maamul goboleedyada dalka iyo qaar kamdi ah saafirada beesha caalamka u fadhiya Soomaaliya.

Maxamed Mursal Shiikh Craxmaan ayaa 30-kii bishii aynu soo dhaafnay ee April lo doortay inuu noqdo Gudoomiyaha Golaha shacabka , waxaana caleyma saarkiisa imaanayaa iyadoo uu malin shir gudoomiyaya xubnaha Golaha shacabka sidoo kale na uu kulamo la qaatay gudiyada jogtada ah ee Golaha shacabka.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.