Qarax ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay degmada Wanla-Weyn ee G/Shabeelaha Hoose.

0

Hornafrik-Wararka ka imanaya degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in goor dhow uu ka dhacay qasaare geystey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 Qaraxan oo ka dhacay bartamaha magaalada Wanlaweyn gaar ahaan halka loo yaqaan Aargada ayaa inta la ogyahay waxaa ku dhintey 14-qof halka dad ku dhow 20 ruux ay ku dhaawacmeen.

Lama oga qaraxan waxa uu ka dhashay hase yeeshee sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah qaraxan ayaa dhacay xilli dad badan ay u sugnaayeen goobta uu ka dhacay.

Hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxan uu ahaa mid ka dhashay miino dhulka lagu aasay kaasoo lala beegsaday gaari Cabdi Bile ah oo ay ciidamo saarnaayeen.Balse gaariga ayaa ka badbaaday qaraxa sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.