R/W Kheyre oo maanta Muqdisho ka furaya shir looga hadlayo Dhuxusha Soomaaliya.

0

Hornafrik-Shir looga hadlayo dhusha soomaaliya ayaa goordhaw waxaa lagu wadaa in uu ka furmo xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

Reysul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in shirkan uu furo, sidoo kalana waxaa la filayaa in Reysul Wasaare Kheyre uu shirkan Gudoomin doono.

Shirkan ayaa waxaa ka qeeybgalaya hayadaha qaramada midoobay sida FAO, UN EVIROMENT,Dowladda Sweden Iyo Midawga Yurub.

Shirkan ayaa gabagabadiisaa waxaa la rajeeynayaa in laga soo saaro qodobo xakameeynaya dhusha aan tirada yareen ee soomaaliya laga dhoofiyo.

Soomaaliya ayaa waxaa ka jira dhir jaris xoogan iyada oo ganacsatto badani ey ku hoowlan yihiin ka beecmushtarka dhuxusha, taa oo halis badan ku heeysa deegaankanka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.