Qorshe cusub oo bisha Ramadan lagu sugayo Amniga Muqdisho.

0

Hornafrij-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Maant Garoonka Kubada cagta ee Muqdisho Studium waxaa uu kula hadlay cutubyo kamid ah ciidanka Amaanka Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa waxaa wehliyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng Craxmaan Cumar Cisman Yariisow iyo Taliyaasha ciidama Nabad Sugida iyo Asluubta Qaranka.

Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in ciidanka ay yihiin kuwo si aad u sugi doona amaanka Caasimada inta kagu jiro bisha Barakeysan Ee Ramadan oo nagu soo fool leh.

Waxaa muuqanaya in dib loo adkeynayo howlgalka xasilinta amaanka Caasimada Soomaaliya.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.