Isrisaaseyn maanta ka dhacday magaalada Garowe oo lagu dhaawacay taliye ku xigeynka ciidamada Booliiska Puntland

0

Taliye ku xigeenka ciidamada Booliiska maamulka Puntland ayaa maanta ku dhaawacay isrisaaseyn u dhaxeysay ilaaladiisa iyo ciidamo kale oo ka dhacday duleedka magaalada Garowe.

Lama oga waxa dhaliyay isrisaaseyntaasi u dhaxeysa labadaasi ciidan, laakiin saraakiil ka tirsan ciidamada Booliiska maamulka Puntland ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dhaawaca taliye ku xigeynka ciidamada Booliiska Puntland Bile Faarax Cali, kaas oo hadda lagu daweynayo Isbitaalka magaalada Garowe.

Mas`uuliyiinta gobolka iyo laamaha amaanka ee Puntland ayaa wali ka hadlin dhacdadaan maanta ka dhacday duleedka magaalada Garowe.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.