Haweeney Ajnabi ah oo lagu afduubtay magaalada Muqdisho.

0

Hornafrik-Mid ka mid ah shaqaalaha ajaanibta ah ee Hay`adda ICRC ayaa xalay lagu afduubtay magaalada Muqdisho, iyadoona afduubkaas la sheegay in ay fuliyeen qaar ka mid ah ilaalada Hay`adda.

Haweeney u dhalatay dalka Jarmalka kana mid aheed shaqaalaha hay`adda ICRC ayaa la afduubtay xili ay ku sugneed xarunta Hay`adda ee ku taala aga gaarka isgoyska Soobe ee Muqdisho.

Ilaalada Hay`adda ICRC ee magaalada Muqdisho ayaa ah kuwo Soomaali ah oo ka tirsan shirkad gaar loo leeyahay oo ammaanka qaabilsan, sida wararka qaar ay tilmaamaayaan.

Laamaha amaanka ee magaalada Muqdisho ayaa xalay gaaray goobtii laga afduubtay haweeneydaas iyagoona halkaasi ka wada baaritaano la xariira afduubka haweeneyda Ajaanibta ah.

Majiraan ilaa hadda wax war oo ka soo baxay hay`adda amaanka iyo hay`adda ICRC-da ee ku aadan afduubkaasi.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.