Gudoomiyaha cusub ee Golaha shacabka oo xilka la wareegay.

0

Hornafrik-Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka Guddoomiyaha Golaha sahacabka ee Soomaaliya.

Munaasabad maanta ka dhacday xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho uu xilka uu kala wareegay Guddoomiyihii ka horeeyay ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, kaas 12 bishii hore ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka guddoomiyaha Golaha shacabka kadib khilaaf ka dhashay Mooshin asaga laga gudbiyey.

Sedax maalin ka hor ayey aheed markii doorasho ka dhacday xarunta Golaha Shacabka lagu doortay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Jawaari ayaa mar uu hadlayay wuxuu soo hadal qaaday arimo ku aadan xaditaanka dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in aan la xadin Dastuurka Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.