Kuma ayey aheyd Marxuum Maryam C/llaahi?.

0

Hornafrik-Alle ha u naxariistee Maryam C/llaahi waxay aheyd Sarkaal ka tirsan Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO waxayna ka shaqeynaysay Koofurta Soomaaliya.

Dadka yaqaana Marxuumadda Maryam ayaa KNN u sheegay in Maryam ay aheyd Gabar day’yar Dhaqtar ah oo aad u dagan waxeyna hay’adda uqaabilsaneed deegaanada Koofur Galbeed gaar ahaan gobalka Baay.

Maryam ayaa ka soo safartay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay si ay u iibsato adeeg ay u baahneed, waxayna rag hubeysan ay ku dileen Gudaha Suuqa Bakaraaha ee magaalada Muqdisho.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay dilka Haweeneydaan ka tirsaneed Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO qeybteeda Soomaaliya.

xigaho-KNN

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.