Shabaab iyo Shacab ku dagaalamay Dhoobleey.

0

Hornafrik-Wararka ka imaanaya duleedka degmada Dhoobleey ee gobalka Jubada Hoose ayaa soo sheegaya in maanta ay halkaasi ku dagaalameyn Shacab Xoolo dhaqato ah iyo Dagaalamayaasha Al-shabaab ee Jubada Hoose.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaan qiyaastii 70 KM u jira degmada Dhoobleey ee gobalka Jubada Hoose, waxaana ka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Taliyaha degmada Dhoobleey ee gobalka Jubada Hoose Axmed C/llaahi Heybe ayaa KNN u sheegay in dadka ay ka caroodeen Lacagaha xad dhaafka ah oo ay ka qaadaan Shabaabka ku sugan gobalka taasini ay sababtay in shacabka ay dagaalamaan.

Al-shabaab ayaa inta badan goobaha ay joogaan shacabka ku nool ka qaada Lacago iyo Xoolo ay ku sheegeen SAKAWAAD waxayna arintaasi sababtay in deegaano badan ka dhacaan dagaal Al-shabaab ka dhan ah kaas oo u dhaxeeya dadka deegaanka iyo Al-shabaab.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.