Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Goordhow Ka Duulay Garoonka Aadan-Cadde Ee Muqdisho.

0

Hornafrik-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo  ayaa Maanta waxa uu u ambabaxay Magalada Barasalis ee Wadanka Biljamka,halkaaso oo uu shir uga qeyb gali doono.

Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa ka hor safarkiisa ee Wadanka Biljamka waxa uu Garoonka Aadan-Cadde kusoo dhaweeyay Ciyaartoyda Xulka 17-jirada dalkeena Soomaaliya ee dalka Burundi uga  qeyb galay tartanka Bariga & Bartamaha Afrika.

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dalka Bilkamka waxa uu uga qeybgeli doonaa shir looga hadlayo dib-udhiska ciidamada Qaranka Soomaaliya iyo sidoo amniga dalka ay kala wareegi lahaayeen Ciidamada AMISOM.

Shirkaas ayaa waxaa ka qeybgalaya Madax ka socota dowladaha taageera Soomaaliya iyo Hay’addaha deeqaha bixiya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.