Haweeney u shaqeyneysay hey’ad sama fal oo goordhaw Muqdisho lagu dilay.

0

Hornafrik-Gelinkii danbe ee maanta ayaa gudaha suuqa weyn ee bakaaraha waxaa koox bistoolado ku hubeysnaa dil ugu geysteen haweeney suuqa ka mid ahayd dadka suuqa ka adeeganyay.

Haweeneyda la dilay aya dad ku sugnaa gudaha suuqa waxaa ay magaceeda idaacada Kulmiye ugu sheegeen Maryan Cabdulahi waxaana la tilmaamay in ay shaqaale ka ahayd mid kamid ah Hey’adaha gargaarka ee dalka ka howlgala.

sida la sheegay waxaa dilka geystay sadex dhalinyaro oo ku hubeysnaa bistoolado , falka kadibna goobta iskaga baxsaday.

Dilka ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay bosteejo laga raaco gaadiidka aada magaalada Beydhaba ee Gobolka Baay kana baxa Suuqa bakaaraha.

Magaalada Muqdisho ayaa inta badan ka dhacaan dilalka nuucaan ah ee loo geysto dadka wax garadka ah iyo shaqaalaha dowlada iyo kuwa hey’adaha aan dowliga ahyn , waxaase jirta in shacabka lagu eedeeyo il ka fiirsiga kuwa dilalka geysta kadibna iska baxa.

 

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.