Doorashada Gudoomiyaha Golaha shacabka oo maanta ka dhaceysa Muqdisho.

0

Hornafrik-Waxaa maanta xarunta Golaha shacabka ee Baarkamaanka Soomaaliya lagu dooranayaa gudoomiyaha Golahaasi.

Inta badan xildhibanaada ayaa ah kuwo ku sugan Muqdisho iyadoona haatan ay ku qul qulayaan hoolka ay doorashada ka dhaceyso.

Gudiga doorashada ayaa diiwaan gekiyay mushariin gaaraya 11 kuwaa qudbado u jeediyay xildhibaadanada.

Afar kamid ah musharaxiinta ayaa baneeyay xubin nimadii Golaha wasiirada si ay isu sharxaan.

Sikastaba lama saadaalin karo cida ku guuleysan karta waxaase warar hordhac ah sheegayaan in raga wasiirada ah ugu cad cad yihiin.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.