Wafdi ka socda Dowlada Soomaaliya oo u daawasho tagay Ciyaartoyda Qaran ee ku dheelaya Burundi.

0

Hornafrik-Wafdi ka socda Dowlada Soomaaliya uuna hogaaminayo ra;iisal wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed guuleed ayaa maanta ka baxay Garoonka Muqdisho waxana ay ku wajahanyihiin dalka Burundi.

wafdiga ayaa lagu soo waramaya in ay gaareen magaladsa Bujambuura ee dalka Burundi , waxaana ay u daawasho tageen Ciyaarta u dhaxeysa Xulalka Soomaaliya iyo Tanzania ee Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika.

sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa qadka Taleefanka kula hadlay maclinka da’yarta Soomaaliyeed ee Cayaaraya macalin salaad iyo cayaartoyda waxana uu ku dhiiro geliyay in ay Guul Gaaraa.

Cayaarta ayaa hada ka socta Burundi waxaana laga dhowr sugayaa guul ay soo hoyiyaan xulka qaran Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.